“Tartanka waan isaga haray markii ay odayaashu iiga baqeen inaan Siyaad Barre oo kale ku noqdo” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Xasan Cabdi Caynaanshe oo sanadkaan isku soo taagay inuu u tartamo xubin ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka noqday go’aankiisii ahaa inuu tartamo, kadib markii sida uu sheegay uu ka naxay ‘laaluushka iyo musuqa la isku dooranayo.’

Caynaanshe oo doonayey inuu u tartamo mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sheegay in shalay markii uu tegay teendhada Afisyooni uu ku soo arkay aqoonyahanadii caanka ahaa oo odayaal ku baryaya laaluush si ay u doortaan, taas oo sida uu tilmaamay ku kaliftay in tartanka uu isaga haro.

Sidoo kale Musharax Caynaanshe waxa uu sheegay in odayaasha wax dooranaya ay u sheegeen in qiimaha ay ku dooranayaan uu ka badan yahay kan musharaxiinta kale, iyagoo baqdin ka muujiyey shakhsiyadiisa, sida uu sheegay.

“Ma aaminsani in nin saan arkay ku soo baxay uu Soomaali maanta wax u sheegi karo, waxaan doonayey in wadaniyada iyo Soomaalinimada aan aaminsanahay la igu doorto, hadii aan guuleystana waxaan u tartami lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare,” ayuu yiri Xasan Cabdi Caynaanshe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in musharaxnimadiisii uu ka noqday isagoo dhowraya sharafta ‘dadka wadaniyiinta ah’ kadib markii lagu xujeeyey lacag badan, sidoo kalena looga baqay sidii Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Caynaanshe.

“Odayaasha su’aalo ayey i weydiiyeen, waxaa jirta arrin ay i weydiiyeen oo ay ula tageen shaqsiyaad dowladda ka tirsan, waxay u sheegeen in qiimo ka badan kan dadka kale ay igu soo saarayaan, waxay kaloo odayaashu sheegeen in Maxamed Siyaad Barre aan u egahay oo ay iiga baqeen sidiisii, laakiin sababta ma garanayo oo anigu waligey dad ma dilin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Cabdi Caynaanshe.

Hoos ka daawo