Farmaajo oo ergo Abgaal ah u diray R/W Rooble – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyinta Abgaal ee taageersan maamulkiisa islamarkaana lagu sheegay guddi nabadeed, waxa uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Injineer Maxamed Xuseen Rooble. 

Guddigaan ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, guddoomiye ku-xigeenka xoogaga Wadaniyiinta Xuseen Carraale, Garaad Cageey iyo Boqoe Cabdullaahi Geedi Shadoor. 

Xubnahaan ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ula tagi doonaan laba qodob oo kala ah. 

1- In Yaasiin Cabdullaahi Fareey loo dhaafo in uu sii ahaado Agaasimaha kumeel gaarka ee hay’adda NISA, oo uu dhowaan u magacaabay Madaxweyne Farmaajo. 

2- In Madaxweyne Farmaajo ay ka keenayaan in uu booskiisa u dhaafo Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ilaa hada magacaabistiisa dood ka taagantahay. Sidaasna labada boos la isku dhaafsado. 

Xubnahaan ayaa habeen hore la balansanaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,  balse waxaa la sheegay in kulankaas uu dib u dhacay waxaana la filayaa in uu qabsoomo Sabtida todobaadka soo socdo. 

Xubnahaan ayaa dhamaantood 4-tii sano ee la soo dhaafay kamid ah shaqsiyaadka uu Madaxweyne Farmaajo u adeegsado siyaasadda Hawiyaha, gaar ahaan midda Mudulood, isaga oo lacag joogto ah siiya. Sidoo kale Intooda badan waxay la-taliyaal usoo noqdeen Farmaajo, si loogu daboolo lacagta ay ku qaateen taageeradooda. 

Lama oga go’aanka uu Rooble ka qaadan doono qorshaha xubnahaan ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ay wadaan oo la rabo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.