Sarkaal ka tirsan Puntland oo xalay lagu dilay duleedka Garowe – Yaa ka dambeeyey?

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada badda ee PMPF ee dowlad goboleedka Puntland lagu dilay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan, ‘waxaana dilkiisa ka dambeeyey’ askari kale oo la sheegay inay murmeen, ka hor dilka.

Marxuumka ayaa ahaa nin dhalinyaro, isla-markaana ka tirsanaa saraakiisha rayidka ee hay’adda amniga PMPF ee Puntland.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/Sare Maxamed Aaden jaamac (Degelle) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in askariga dilka gaystay isaga oo dhaawac laga soo qabtay deegaanka Budunbuto, kadib markii uu cararay halkaasi.

Gaanshaanle Sare Degelle ayaa intaasi ku sii daray in cadaaladda ay horkeeni doonaan eedeysanaha loo heesto dilkaasi, si looga qaado tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

Si kastaba, dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan ciidamada ilaalada madaxweyne Deni ay gabar dhalinyaro aheyd ku dileen gudaha magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.