SWAN oo farriin deg deg ah kasoo saaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay si degdeg ah u soo dhameystiraan, una qabtaan doorashada kuraasta ka harsan Golaha Aqalka Sare.

Wakiilka oo shalay Warbaahinta kula hadlayay Xerada Afisyooni, intii ay ka socotay Doorashada Senatorada Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la guda galo wejiga 2aad ee Doorashooyinka Qaranka.

“Waxaan ugu baaqaynaa Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ee aan weli soo dhameystirin Doorashada Aqalka Sare inay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo dhameystiraan,” ayuu yiri James Swan.

James Swan ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in hadda Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba ay diiradda saaraan wejiga 2aad ee Doorashooyinka Federaalka, lana bilaabo u diyaargarowga Doorashada Golaha Shacabka, si waqtigii loogu talagalay iyo si waafaqsan heshiiskii 27-kii May loogu soo dhameystiro Doorashooyinka Qaranka, una noqdaan kuwo lagu wada kalsoonaan karo.”

Isagoo hadalkiisa sii xoojinaya ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan ku nuuxnuuxsado in tasiilaadkii loo baahnaa oo dhan la wada heli karayo, iyadoo laga helayo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, lacagihii laga qaaday musharaxiinta iyo kaalmada Dowladda Federaalka.”

Swan ayaa afka ku ballaariyay inaanay jirin sabab muuqata oo hortaagan in la bilaabo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Mana jiri karto sabab wejiga xigga ee howlaha Doorashada Golaha Shacabka, sida soo xulista Ergooyinka oo kale aysan si degdeg ah ugu bilaaban karin.”

Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka ayaa imaanaya, xilli weli uu taagan yahay khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaarihiisa, Maxamed Xuseen Rooble, taasoo ay dadka qaarkii qabaan inay carqalad ku noqon karto howlaha doorashooyinka.