Dagaalka Cumar Finish iyo C/llaahi Carab oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay loolanka iyo khilaafka ka dhex taagan wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab iyo duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish.

Dagaalkan oo billowday markii Cumar Filish uu dalbaday in maamulka gobolka lagu soo wareejiyo isbitaallada Yardimeli iyo Jaziira oo wasiirka uu leeyahay, yaa hadda saameynaya ardayda Muqdisho.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faray Jaamacadaha Dalka in aysan qaban karin arday aan heysan Shahaadada dugsiga sare ee saxda ah oo ay soo saarto Wasaaradda Waxbarashada.

Agaasimaha ayaana ku amray Jaamacadaha dalka inay soo gudbiyaan xogta iyo macluumaadka ardayda ay diiwaan geliyeen muddo 20 maalin ah.

“Laga bilaabo sanad dugsiyeedkaan waxaa laga rabaa Jaamacadaha dalka inay Wasaaradda Waxbarashada usoo gudbiyaan xogta ardayda sanadkaan bilaabaya waxbarashada mudo ku siman 20 Maalmood, macluumaadka laga rabana waa tirada ardayda iyo documentyada ay ku diiwaan geliyeen,” ayuu yiri agaasime Ismaaciil.

Agaasimaha ayaa ugu hanjabay Jaamacaddii u hoggaansami weyso amarka wasaaradda Waxbarashada in lagala noqon doono aqoosiga.

“Jaamacaddii aan u hoggaansamin amarka wasaaradda waxaa lagala noqon doonaa aqoonsiga, waxaana jiri doono kormeel lagu sameyn doono Jaamacadaha seddexdii bil hal mar, Jaamacaddii lagu helo qalad waxay mudan doontaa ciqaab adag” ayuu mar kale yiri Agaasimaha Wasaaradda.

Hadalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa kusoo aadayo xilli khilaafka u dhaxeeyo Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu gaaray meel sare.

Khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirka Waxbarashada salkana ku hayo Isbitaalada Yerdameli iyo Jazeera ayaa sababay in xogyahihii ardayda iyo Iskuulada Gobolka Banaadir laga xirto xogaha ardayda taas badalkeedana si toos ah loogu diro iskuulada.