Muxuu Rooble ka yiri liiskii xalay kasoo baxay guddiga doorashada heer federaal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maaxmed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeyay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo xalay shaaciyay natiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad Soomaaliya.

Rooble ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa xildhibaannada cusub ee la shaaciyay isagoo u rajeynaya in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Rooble ayaa ugu dambeyn Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeeyey in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. 

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa xalay ku dhawaaqay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas lagu soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir, 

Dhammaan Liisaska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada ayaa la soo bandhigay, iyadoo laga reebay xubn uu ugu muhiimsan yahay La-taliyaha Farmajo, ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa kaloo liiska Koonfur Galbeed laga reebay saddex xildhibaan oo kuraastooda khilaaf ka dhashay, lana joojiyey, sida Kursiga uu dacwadda ka keenay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Kursiga uu dacwadda ka gudbiyey Wasiir Jaamac iyo Kursiga ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.

Xubnaha laga reebay liiska la shaaciyey ayaa kala ah:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon