Garoonka diyaaraddaha iyo xerada Xalane oo maanta xayiraad lagu soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee AMISOM ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay in maanta gebi ahaanba la xiray lana joojiyay dhaq-dhaqaaqa gudaha ee garoonka diyaaraddaha Muqdisho iyo qeybaha kale ee xerada Xalane oo ay degan yihiin ajaaniibta iyo diblumaasiyiinta dalalka saaxiibada.

Warqad kasoo baxday AMISOM, oo ay heshay Caasimada Online, ayey AMISOM ku sheegtay in baaritaan culus iyo xaqiijinta amniga garoonka diyaaraddaha iyo xerada Xalane ka fulinayaan si loo sugo amniga goobahaasi oo todobaadkii hore weerar dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ay ka geysteen dabley hubeysan.

Shirkaddaha, ganacsatada iyo ajaaniibta degan xerada Xalane ayaa lagu wargeliyay in maanta wax dhaqdhaqaaq ah jirin, waxaana kaliya loo fasaxay gudaha garoonka dadka duulaya iyo kuwa soo degaya.

AMISOM waxay sheegtay in shaqaalaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka ah la marsiin doono baaritaan culus kadibna la fasaxi doono, ayada oo intaas ku dartay in shaqada garoonka ay caadi kusoo laaban doonto 2-da April.

Tallaabada ay qaaday AMISOM ayaa imaneysa ayada oo tuhun badan oo weli ku hareereysan yahay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen garoonka toddobaadkii tegay, kaais oo la rumeysan yahay in la fududeeyey.