Ruushka oo ka baxay goobo muhiima oo ku tirsan Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidammadii Ruushka ee haystay warshaddii hore ee laga dhalin jiray quwadda nukliyeerka ee Chernobyl ee Ukraine ayaa halkaas isaga baxay, sida ay sheegeen shaqaalaha warshaddaasi.

Sida ay tibaaxday shirkadda qaranka ee nukliyeerka Ukraine ee Energoatom, shaqaalaha ku sugan warshadda ayaa sheegay in haatan aanay jirin “cid iyaga ka baxsan” oo goobtaasi ku sugan.

Goor sii horraysay, shirkadda waxa ay sheegtay in ciidammada Ruushka ay u ruqaansadeen xadka Belarus, iyagoo halkaas uga tagay koox yar.

Ku dhawaaqista ayaa u muuqata mid lagu xaqiijinayo warar ay sheegeen saraakiil sarsare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka kuwaas oo Arbacadii sheegay in goobtaas uu Ruushku isaga baxayo.

Ciidammada Ruushka ayaa waxa ay Chernobyl qabsadeen bilowgii duullaanka ay ku galeen Ukraine.

“Saakadan, ayaa kooxaha xoogga ku soo galay dalka waxa ay ku dhawaaqeen inay rabaan inay isaga baxaan warshadda dhalisa quwadda nukliyeerka ee Chernobyl”, ayey Energoatom ku sheegtay bayaan ay soo saartay Khamiistii.

Shirkadda ayaa sidoo kale xaqiijisay wararka sheegaya in ciidammada Ruushka ay dhufaysyo ka qoteen qeybta ugu sunta badan ee aagga xiran ee Chernobyl, iyagoo halkaas ay ku haleeshay “doosas badan” oo shucaac ah.

Waxaa jira warar aanan la xaqiijin oo sheegaya in qaar kamid ah askartii halkaas joogtay lagu dabiibay waddanka Belarus.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa ay shaqaalaha warshadda ku sugan ka soo xigatay inay sheegeen in qaar ka mid ah ciidammada aanay ogayn inay ku sugnaayeen aag uu ku furan yahay shucaac badan.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, milateriga Ruushka ayaa sheegay in kaddib markii ay qabsadeen warshadda heerarka shucaaceeda laga dhigay mid caadi ah oo meeshiisa lagu xakameeyay.

Hay’adda Caalamiga ah ee Atoomikada Adduunka (IAEA) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aanay u suuragelin inay xaqiijiso wararkaasi.

Hasayeeshee, agaasimaha shirkaddaasi ayaa sheegay inay wadaxaajoodyo dhaw la leeyihiin mas’uuliyiinta Ukraine taas oo ay howlgal ugu dirayaan warshadda Chernobyl maalmaha soo aaddan.