Guddiga FEIT oo shaaciyey liiska xildhibaanada BF iyo Fahad Yaasiin oo laga reebay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa caawa ku dhawaaqay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas lagu soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir, 

Dhammaan Liisaska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada ayaa la soo bandhigay, iyadoo laga reebay xubn uu ugu muhiimsan yahay La-taliyaha Farmajo, ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa kaloo liiska Koonfur Galbeed laga reebay saddex xildhibaan oo kuraastooda khilaaf ka dhashay, lana joojiyey, sida Kursiga uu dacwadda ka keenay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Kursiga uu dacwadda ka gudbiyey Wasiir Jaamac iyo Kursiga ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.

Xubnaha laga reebay liiska la shaaciyey ayaa kala ah:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon

Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub inay soo doontaan ilaa labada bisha kaararka aqaansiga, waxaana lagu wadaa in la dhaariyo 14 bisha April ee 2022-ka.