Kheyre oo shaaciye waxa ay sababtay xildhibaan Aamina

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qeybgalay kulan loogu duceynayey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledwayne, ayaa xusay in ay sababsatay dowlad xumada iyo amni darada ka jirta dalka.

Khayre oo ku amaanay xildhibaan Aamina sida ay go’need u adeegida dadka iyo dowlad-nimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in “Xildhibaan Aamino waligeeda dan shaqsi ah iiguma imaan, waxay ahayd qof bulshada u adeegta.

Khayre oo hadda ah Musharax madaxweyne ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed in ay cafiyaan xildhibaan Aamino isla markaana ay u duceeyaan maadaama ay dalkaan ugu soo adeegtay waqti adag.

“Waa in aan kuligeen ka shaqayno in aan mar dambe wiil ama gar Soomaaliyeed aysan nooga dhiman dowlad xumo iyo amni daro, oo aan kuligeen gacmaha is qabsanaa,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa ku booriyay dadkii xafladda ka soo qayb galay in ay is cafiyaan isaga oo dalbaday qofkii wax katabaya in uu iska cafiyo.

“Si aan ugu tusaale qaado walaasheena Aamina, inteena nool ee halkaan isku timid, inteena wax kala gaareen in aan is cafino” ayuu yiri Xasan Cali Khayre oo hadalkii raaciyay “Anigu waxaan codsanayaa in qof walba oo wax iga tirsanaya uu iska kay cafiyo, anigana waa caafiyay”.

Khayre ayaa ku booriyay dowladda in ay la dhamaystiro doorashooyinka dalka waqtii loogu talagalay.

Senatorada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si loogu dhaariyo, loona guda galo Doorashada Guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Waqtiga loo qabtey in lagu dhaariyo mudaneyaasha cusub waxaa ka hartey hal asbuuc iyo bar.