Bisha Ramadaan oo caawa la raadinayo iyo rejada laga qabo in la arko

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaabtay raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda, iyadoo dalal uu kamid yahay Sacuudiga ay dalbadeen in la baadi goobo bisha.

Dhamaan Muslimiinta ku nool guud ahaan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayey maxkamadda sare ee dalkaas amartay inay raadiyaan aragtida bisha barakeysan ee Ramadaan oo fiidka caawa.

Sacuudiga ayaa hore ugu diiwaan-geliyay jadwalka Ummul-Qura in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiistii 3/4/2022-ka Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan, midaasi oo waajib ka dhigeysa in la baaro bisha Ramadaan.

“Qof kasta oo ku arka indhihiisa ama qalabka Endoscopes waa inuu ku wargeliyo maxkamadda ugu dhow, si uu u diiwaan-geliyo markhaatigiisa ama inuu la xiriiro xarunta ugu dhow si uga caawiso inuu gaaro maxkamadda ugu dhow,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudiga.

Dhanka kale, Culimadda Fiisigista iyo xidigiska ayaa ayaguna sheegay inaysan suurtagal aheyn in maqribka caawa ee 1-da April indhaha lagu arko bisha guud ahaan dalalka Islaamka, marka loo eegana qalabka Telescope-ka ay aad u dhibadan tahay in lagu arko, sida ay sheegen.

“Waxaa u wacan arrintaan ayada oo ay isku xirmayaan ama hal mar oo wax badan u dhaxeyn ay isla dhacayaan qoraxda iyo bisha, taasi oo xaalad aanay dadka caadiga ah ishooda ku arkin karin.”

Marka xaaladahaan oo kale dhacaan waxay u badan tahay oo dhaqanku yahay in dalalka Islaamka ah ay ku dhawaaqan curashada bisha Ramadaan inay tahay maalinta xigta, ayada oo shacbaana noqon doonto 30 maalmood.

Wixii kusoo kordha waxaa kala socon doonta wararkayaga dambe Insha Allah.