Golaha Ammaanka ee QM oo soo saaray go’aan cusub oo ku saabsan Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in howlgalka AMISOM loo magac baddelo ATMIS si loo ballaariyo howlgalkaan ku kooban Qaaradda Afrika loogana dhigo mid ay ka qaybgeli karaan waddamada ka baxsan Qaaraddaan.

Qaraarka lagu meelmariyey hawlgalkan cusub ayaa lagu xusay in si aayar-aayar ah loo dhimo shaqaalaha hawlgalka oo haatan ah illaa 20,000 oo isugu jira militari, boolis iyo shaqaale rayid ah, illaa la gaarsiyo eber sannadka 2024.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay in la sameeyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab si looga hortago weerarada ay kordhiyeen muddooyinkii dambe si loo xaqiijiyo hadafka uu xambaarsan yahay howlgalkaan.

Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo bishaan hayey xilka madaxweynaha golaha ammaanka ee wareega ayaa ku dhawaaqday in qaraarkan la meel mariyey, kadib Bilo badan oo la soo yeeshay wadahadalo wax ku ool ah.

Howlgalka AMISOM oo soo billawday 19-kii Janaayo 2007 ayaa soo idlaaday 31-kii Maarso 2022, Dalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Afrikaanka ah ku deeqay waa Uganda, sanadihii dambe waxaa si tartiib-tartiib ah loo dhimayay Ciidamadaan.

Muddada 15-ka sano ah ee howlgalka AMISOM ka socday Soomaaliya waxa ay Ciidanka xiran sumadda Midowga Africa waxa ay sameeyeen howlgallo kala duwan halka ay la kulmeen weeraro kala duwan oo gaarsiiyay dhimasho, dhaawac & mid hanti.