Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada FIET oo isku sharaxay HOP#059

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Federaal Avv Mowliid Mataan Salaad ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu yahay musharax u taagan kursiga #HOP059 ee yaalo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mowliid Mastaan ayaa sheegay  in uu go’aansaday inuu u tartamo kursigaan kadib markii uu wada-tashiyo la yeeshay odoyaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Beesha kursiga leh.

Kursiga HOP059 ayaa noqonaya mid ka mid ah kuraastii ugu dambeysay ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo lagu wado in la dhaariyo xubnihiisa 14 bishan Abriil.

Mataan weli iskama casilin xilkii guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada, wuxuuna wax kasoo maamulayey kuraastii lagu doortay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee maamulka Hirshabelle.

Ma cada waxa uu ka qabo sharciga u yaala Guddiga doorashooyinka inay xubno xilal ka haya ay u tartami karaan kuraas Baarlamaan, mana jirto ilaa iyo hadda inta la ogyahay xubin guddi oo iyagoo xilka haya doorasho Baarlamaan isku soo sharaxay.

Wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga hirgelinta doorashada heer federal ee FIET tan iyo markii lagu dhawaaqay guddigaasi dhammaadkii sanadkii 2020.

Xiriirka Mataan iyo Villa Somalia ayaa ah mid aad u xun tan iyo markii xubnaha guddiga doorashooyinka ay xilka ka qaadeen guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro dhammaadkii bishii Disember 2021.

Abuukaate Mowliid Mataan Salaad ayaa xilligaas shir guddoomiyay garabkii xil ka qaadista ku sameeyay guddoomiyihii guddiga oo haystay taageerada Villa Soomaaliya – kaas oo markii dambe lagu beddelay guddoomiyaha haatan xilka haya Muuse Geelle Yuusuf.