Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo suurta-galnimada ay kooxda kula wareegi karto Muqdisho.
Roobow, oo ka hadlay shir jaraa’id oo isaga iyo qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ay qabteen, ayaa si weyn ugu boggaadiyey guulaha ay gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ka hortagay damaca Al-Shabaab ee dib ula wareegidda deegaannadii hore looga saaray ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Roobow ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qorshaha la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku rabto qabsashada magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in Muqdisho aysan la mid ahayn caasimadaha Kabul iyo Dimishiq, sida uu hadalka u dhigay.
“Al-Shabaab waxaan leeyahay: Muqdisho Kabul iyo Dimishiq oo kale ma aha, Axmedkiinnana ma aha Axmed Al-Sharac ee Suuriya,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrin qabsatay qoyskiisa, isaga oo tilmaamay in bishii lasoo dhaafay ay maleeshiyaadka Al-Shabaab afduubteen xaaska walaalkiis, ayna waddada ku tureen wiil yar oo uu adeer u yahay, laguna magacaabo Saaciid Aadan Roobow.
“Xaaska walaalkay ayay bishii Shacbaan afduubteen Al-Shabaab, wiil yar oo ay dhashay oo la yiraahdo Saaciid Aadan Roobow waddada ayaa la dhigay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiir Roobow.
Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga guuleysto argagixisada Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo kooxda Al-Shabaab ay dib ugu soo laabatay gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna ay qabsatay deegaanno hore looga saaray. Haatanna, waxay is hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo mar kale dib loo abaabulay si ay uga hortagaan kooxda.