Muxuu salka ku hayaa khilaaf-ka maamulka masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam?

Amesterdam (Caasimada Online) – Muddooyinkii u dambeeyey waxaa sii xoogeysanayay hadal-haynta khilaaf ka dhextaagnaa maamulka masjidka Quba ee ku yaal Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland.

Masjidkan oo dhulka uu ku fadhiyo ay Soomaalidu leedahay, ayaa soo maray marxalado kala duwan, marka loo eego sidii ay howshiisi ku billaabatay iyo adeegyada uu haatan u hayo mushtamacyada muslimiinta, ee ay Soomaaliduna ka mid tahay.

Sida ay wararka ku heleyso shabakada Somnieuws.com, khilaafkan oo muddo toddobaadyo ah soo jiitamayay ayaa u dhexeeya maamulka masjidka, waxaanna uu ku billowday markii xubno maamulka ka wada tirsan ay iska saareen liiska KVK.

“Markii hore waxaa KVK-ga laga saaray nin C/risaaq la yiraa, kana mid ah maamulka masjidka oo Tilburg degan, halkaas ayuu khilaafku ka curtay ilaa markii dambe isagana laga saaray Sheekh Suldaan oo ka mid ah maamulka sare, xaaladu hadda waxay maraysaa meel aan laga filayn dadkan culimida ah ee haya amaanadii dadka ay u dhiibteen,” ayuu yiri Sheekh Cali oo ka mid ah culimada masaajidka ku xiran, isaga oo intaasi raaciyay in marka loo eego dhumucda khilaafka ay suurtagal tahay in qabiil uusan ka marneyn.

“Anigu, khilaafka masjidka wax badan kalama socdo, dhegta un baan ka maqlay, haddana waxaa jirta hal dhibaato oo Soomaali haddaan nahay na haysata, taas oo ah; qof kasta ama “team” kasta oo Soomaali ah marka maamul loo dhiibo waxay u dhaqmaan sida milkiyad in ay u leeyihiin howsha loo dhiibay, dadka kalena ka xigsadaan, mana jirto marjic dadkaasi ay u laabanayaan oo la xisaabtamaya. Tusaale waxaa inoogu filan, ragga masjidka maamula waxay matalaan Soomaali oo dhan, haddana waa dhowr rag ah oo isku xiran, haddii markii hore loo diyaarin lahaa dad waxgarad ah oo laga soo xulo qaybaha kala duwan ee bulshada, oo iyagu yeesha mar walba go’aanka kama dambeysta ah, dadka howsha wada na loo aqoonsado shaqaale, dhibaatadu waa ka nasahnaan lahayd intaan, laakiin nin walba howshii loo dhiibo wuxuu aaminaa in uu cid kasta isaga ka xigo, dhibaatada kalena waxay tahay; shacabkii oo isugu jira dhalinyarada, haweenkii & cid kasta oo Soomaali ah oo aan arrintan ku baraarugsaneyn, haddii shacabku la xisaabtami lahaayeen dadka ay mas’uuliyada u dhiibtaan xal ayaa iman lahaa” Ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi, oo ka mid ah dhalinyarada masaajidka ku taxan, wuxuuna intaasi raaciyay in uu soo jeedinayo in mas’uuliyada masjidka loo dhiibo dhalinyarada.

Shabakada Somnieuws waxay xiriir la sameysay qaar ka mid ah maamulka masjidka, si wax looga weydiiyo khilaafkan cusub, iyada oo mas’uulkii lala xiriiray uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

Khilaafka u dhexeeya maamulka masjidka Quba, wuxuu noqday xaalad walaac badan ku haysa dad badan oo masjidka ku xiran, qeybna ka ah adeegyada islaamiga ah ee masjidka u hayo mushtamacyada islaamka, gaar ahaan Soomaalida.

Dhanka kale, waxaa jira dedaalo ay wadaan waxgarad kala duwan, oo ku soo baxay xiisada masjidka, waxaanna dedaaladaasi lagu raadinayaa sidii la loo qaboojin lahaa xiisada, haddii se xiisadu sii socota waxaa suurtagal ah in masjidka ay kala laabtaan kalsoonidii ay ku qabeen dad badan oo Soomaali ah.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan