26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Muxuu Sanbaloolshe ka sheegay kulankii uu la yeeshay qurba-joogta reer Hiiraan?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa maanta khadka telefoonka kulan muhiim ah kula yeeshay qurba-joogta reer Hiiraan, isaga oo uga warbixiyay xaaladda dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Taliye Sanbaloolshe ayaa qurba-joogta ku boorriyay inay si wadajir ah u taageeraan dadaallada socda ee lagula dagaallamayo argagixisada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay midnimada bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

Kulankan waxaa sidoo kale khadka telefoonka kaga soo qayb galay xildhibaan Maxamed Buraale iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Guurey oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cabdi Daahir Karoore.

Mas’uuliyiintan ayaa haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka, iyagoo tusaale wanaagsan u ah madaxda kale ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa jooga Muqdisho iyo gobollada ay wali ku xoogganyihiin kooxaha argagixisada.

Waxaa kulanka khadka telefoonka ka soo qayb galay ku dhawaad 4,000 oo qof oo ka tirsan qurba-joogta reer Hiiraan, iyadoo uu kulanku kusoo aaday xilli dagaal adag uu ka socdo xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalyahannada deegaanka ee Macawisleyda oo hal dhinac ah iyo kooxda argagixisada ah oo dhinaca kale ah.

Ciidamada dowladda iyo kooxaha deegaanka ayaa dhawaanahan guulo muhiim ah ka soo hooyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in deegaanno badan ay hadda gacanta ugu jiraan ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in iskaashiga dhexmaraya shacabka, ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada deegaanka ee Macawisleyda uu yahay mid muhiim u ah xoreynta guud ee dalka.

Agaasime Sanbaloolshe ayaa sidoo kale shalay khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay kulan ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ay goobjoog ka ahayeen, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle, saraakiisha ciidamada, Hoggaanka Macawiisleyda iyo qaar ka mid ah waxgaradka beesha.

Taliyaha hay’adda NISA ayaa ka dalbaday Macawiisleeyda beesha Xawaadle ineysan ku ekaanin difaaca deegaanadooda kaliya oo ay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa deegaanada kale oo ay ku sugan yihiin kooxda.

“Dagaalka aan anaga hada ku jirno keliya ma ahan inan difaacanayno deegaanadeena ee waa inaan soo celina dhamaan deegaanadii ay qabsadeen Khawarijta, maxaa yeelay nimankan inta Aadan Yabaal, Ceelbaraf iyo Ceel Cali Axmed ay difaac uga jiraan oo godad uga qodan yihiin nabad kuma seexan karno, welwel la’aan kuma seexan karno oo kalsooni kuma seexan karno.” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale u sheegay Macawiisleeyda Xawaadle iney astaan u yihiin guud ahaan umada Soomaaliyeed, islamarkaana horay iyo gadaal ay u dhaw dahay iney  yihiin horay usii socdaan, islamarkaana kooxdu ay marayaan xaalad quus ah. 

- Advertisement -

Read more

Local News