Muxuu sharcigu ka qabaa in Farmaajo uu weli joogo Villa Somalia? (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa 7-dii Febraayo 2021 ka dhammaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ahaa, iyada uusan jirin heshiis laga garay hanaankii doorashada dalka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa wajahaya culeys iyo cadaadisyo uga imaanaya Musharaxiinta mucaaridka iyo saamileyda siyaasada, waxaana uu muran ka taagan yahay sii joogistiisa, maadama muddo xileedkiisu uu dhamaaday.

Waxaa cabsi iyo walwal hor leh soo wajahay shacabka oo iyagu ka walaacsan xaalada cakiran ee dalku marayo, maadama uu muddo xileedkii madaxweynaha uu dhamaaday oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbo marxalada uu marayo dalka.

Haddaba, muxuu sharcigu ka qabaa in madaxweynaha ay muddadiisu dhamaatay uu sii joogo Madaxtooyada?.

Sharci-yaqaan Cabdiwaaxid Cusmaan Qalinle oo ku sugan gobolka Minnesota ayey su’aashaas hordhigtay idaacada VOA-da, wuxuuna sheegay in sharciga u ogolaanayo madaxweyne Farmaajo inuu xilka sii hayo, ilaa inta uu dalka aadayo doorasho.

Cabdixaawid ayaa soo qaatay sharci uu baarlamaanku meel-mariyay bishii September, kaasi oo dhigaya in hay’addaha dastuuriga ah ay xilka sii haynayaan ilaa inta laga helayo kuwii bedeli lahaa, taasi oo ku imaaneysa doorasho.

Waxa uu sheegay in dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay Afar sanno uusan burineyn sharciga uu meel-mariyay baarlamaanka, kaasi oo looga baaqsanayo inuu dalka ka dhaco firaaq dastuuri ah.

“Haddii ay dhacday fashil siyaasadeed oo keeni waayay in la sii diyaariyo doorashooyinkii loo balansanaa waxaa lagu qasban yahay oo kamid ah waajibaadka dastuuriga ah ee saaran baarlamaanka iyo madaxweynaha inay xilkooda sii hayaan, laakiin si dhaqsaha ah ugu soo jeestaan qabashada doorasho dhaqso ah oo xilka si sharci ah loogu kala wareego,” ayuu yiri sharci-yaqaanku.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in mudada uu xilka sii haynayo Farmaajo oo ka bilaabaneysa waqtigii uu dhamaaday muddo xileedkiisu ay tahay inuu dalka u jiheeyo doorasho wada-ogol ah, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii waqti kooban ay dalka uga dhici laheyd doorasho heshiis lagu yahay.

Waxa uu meesha ka saaray in madaxweyne Farmaajo uu noqonayo madaxweynihii hore ilaa inta laga soo dooranayo madaxweynihii bedelayay, taasi oo ka dhigan in uu xilka sii gaarsiinayo hogaanka lagu soo dooranayo doorasho aan ilaa hadda heshiis laga gaarin.

Si kastaba, arrintan ayaa ka dhigan in sharciga u ogolaanayo in madaxweyne Farmaajo uu sii joogo Villa Somalia, ilaa inta ay saamileyda siyaasadu ka gaarayaan heshiis lagu aado doorasho, mana cada qaabka ay wax u dhici doonaan, maadama ay mucaaridku arrintaas ka biyo diidan yihiin.

Hoos ka dhageyso wareysiga