Siyaasiyiinta mucaaradka oo banaan-baxyo ‘abaabulaya’

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo wajaheyso dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo is-diidan ayaa waxaa haatan ka socda abaabulka dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeeda doorashooyinka aan qabsoomin.

Dibad-baxyadan oo saacadihii lasoo dhaafay abaabulkooda uu ka billowday gudaha Muqdisho ayaa la filayaa in saaka ay ka dhacaan qeybo ka mid ah caasimadda.

Sidoo kale waxaa dibad-baxyadan oo ay ka qeyb-galayaan qeybaha bulshada soo baabulay siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Golaha Badbaadinta Qaranka.

War kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu sheegay in dibad-baxyadani ay shacabka kusoo bandhigayaan xuquuqdooda dastuuriga ah, si ay u muujiyaan dareenkooda.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu shaaciyey in dibad-baxayadu ay billaaban doonaan wixii ka dambeeyey 9-ka bishan Febraayo oo maanta ku beegan.

“Dibadbaxyada dhacaya waxa uu Shacabka kusoo bandhigayaa xuquuqda Dastuuri, maadaama aysan muuqan qabsoomidda Doorashooyinka lagu heshiiyay, sidaas awgeed laga bilaabo 9-ka Febraayo 2021 waxaa dhacaya isu soo baxyo nabadeed oo lagu muujinayo in loo baahan yahay qabashada Doorashada oo 4-tii sano mar la qabto,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Golaha la magac baxay badbaadinta Qaranka.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha, iyada oo aan heshiis dhab ah laga daarin doorashooyinka 2021-ka.