Mushaharka shaqaalaha Gobolka BANAADIR oo u xayiran khilaafka maamulka

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Xamar ayaa gaaray meel sare, waxaana uu saameen weyn ku yeeshay shaqada gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in khilaafka shaqooyinka uu saameeyay ay qeyb ka tahay bixinta mushaarka, guud ahaan waaxda dhul bixinta ee gobalka iyo guddiga xalinta khilaafaadka dhulalka ee gobalka iyo goobo kale oo muhiim ah. 

Guuxa khilaafka iyo saameentiisa ayaa si weyn looga dareemayaa xarunta gobalka iyo guud ahaan magaalada Muqdisho, kadib markii qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada gobolka ee is-haya ay billaabeen inay qoraalo isku weydaarsadaan baraha bulshada. 

Ilaa hadda ma jirto cid soo kala dhax-gashay mas’uuliyiintaan oo ah kuwa gobalka ugu sareeyo. Mas’uuliyiinta uu khilaafka u dhaxeeyo ayaa kala ah: Guddoomiyaha gobalka Banaadir, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada, afhayeenka gobalka iyo xoghayaha maamulka gobalka Banaadir oo isku dhinac ah iyo guddoomiye ku xigeenada maaliyada, arrimaha bulshada iyo howlaha guud.