Muxuu Deni ka yiri weerarkii lagu qaaday Boosaaso?

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane  Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay weerarkii xooganaa ee habeen hore lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa u mahad-celiyey ciidamada ammaanka ee ka hortegay weerarkaasi oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggii weerarka soo qaaday waxna la dilay, waxna nolol lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada Puntland ay heegan buuxa ku jiraan, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay ka hortegaan weerar kasta oo kaga yimaada Shabaab.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasto oo ku lug yeelataa fududeynta weerarkaas oo geystay khasaare kala duwan.

“Puntland waxay ku jirtaa heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa , dadkay ku cadaato inay qayb ka ahaayeena waxaan rajeyn inaan ka abaal marinno oo wajibkooda la mariyo,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ciidamada Puntland ay jawaab deg-deg ah ka bixiyeen weerarkii xabsiga Boosaaso, iyaga ka daba-tegay maxaabiis ay Al-Shabaab ka furteen xabisgaasi, kadib dagaal culus oo ay la-galeen raggii weerarkaasi soo qaaday.