R/W Rooble oo helay fursad weyn, afar sabab dartood

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii 3-aad 4-tii March baaqday shirkii uu Iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo aysanna muuqan saan saan kale ee uu ku qabsoomi karo shirarka muhiimka ah ee doorashada Soomaaliya. 

Kulamada Madaxweyne Farmaajo waxaa diidan mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland waana awood saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya iyadoo ay u sii dheertay in waqtiga meel adag marayo iyo in uu damaadat muddo xileedka Madaxweynaha. 

Tan iyo wixii ka dambeeyay 8-da bisha Feberaayo oo ku beegneyd muddo xileedka Madaxwyanha ayey wax kasta sii adkaadeen. Hadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu haystaa fursad dahabi ah oo suurta gelin karta in uu hogaanka u qabto doorashada Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ku reebto magac iyo sumcad ay taariikhda xusto. 

1- Maamulada qaar iyo mucaaradka oo ka kalsooni baxay Madaxweyne Farmaajo iyo dhammaan kulamadii uu Iclaamiyay oo qabsoomi waayay ayaa suurta gelin kara in talada doorashada loo dhiibo Rooble, waxayse u baahan tahay in isaga uu muujiyo hamigaas, iyo inuusan wax cabsi ah ka qabin fal-celinta Villa Somalia. 

2-  Xaalada amni ee dalka ka jirta oo ah cabsi iyo qal qal xoog leh ayaa sidoo kale suurtagal ka dhigi kara in Rooble madax ka noqdo doorashada Soomaaliya, sababtoo ah waxa ugu weyn ee beesha caalamka ku qasbi kara inay Farmaajo runta u sheegaan ayaa ah cabsida dagaal dalka ka dhaca, taasi oo haddii aan maamulka doorashada laga wareejin Farmaajo aad suurta-gal u ah.

3- In waqtigii Madaxweynaha uu dhamaaday islamarkaana Farmaajo uusan haysan wax sharciyad ah oo uu ku qaato go’aano masiiro ah, ayaa sidoo kale fursad siinaya Rooble. Sidoo kale, Farmaajo waa musharax madaxweyne, suurta-galna ma ahan in cayaar uu qeyb ka yahay uu sidoo kale garsoore ka noqdo.

4 – Waxaa sidoo kale Rooble fursad siinaya inaysan jirin wax talalabo ah oo uu ka cabsi qabo in Farmaajo uu qaado, haddii uu awooddiisa muujiyo, sababtoo ah sharciyan xilka ugama qaadi karin, sidoo kale kama abaabuli karo mooshin xil-ka-qaadis.

Su’aashu waxay tahay Rooble, ma dafi doonaan fursaddan weyn ee hortaalla oo uu taariikhda baal dahab ah uga gali karo, mise bilo kadib markii xilka uu ka dego ayey u billaaban doontaa inuu shallaayo weligiis?