DF oo qaaday ciidamadii ay dhigtay Daljirka Dahsoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay dib u qaaday ciidamadii ay shalay dhigtay waddooyinka waa weyn ee soo gala taalada Dajirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore la qaaday ciidamadaasi ‘oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxa mucaaradka’ oo ay musharraxiintuba baajiyeen, kaas oo horey loo shaaciyey inuu dhacayo maanta Sabti ah, kuna beegan 6-da bisha March, 2021.

Sidoo kale waxaa haatan si caadi ah u shaqeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isaga kala gooshaya agagaraka taalada Daljirka Daahsoon oo shalay la xiray.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo lagu kala kacay shirkii ugu dambeeyey ee Midowga Musharraxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo ku soo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana ka dhashay inuu halkiisii ku laabto khilaafka u dhexeeya dowladda & mucaaradka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladda siyaasadeed ee dalka ay weli tahay mid isku cakiran, mana jiro weli xal laga gaaray muranka ka taagan doorashooyinka.