Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 52-aad ee kasoo wareegtay aas aaska ciidamadaas ayaa soo hadlay ammaanka guud ee dalka iyo weerarada Al-Shabaab.
Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaaca ka qaaday in markii lagu mashquulay siyaasadda iyo doorashada ay Shabaab kordhisay weeraradeeda.
“Xoogaa waxaad moodaa siyaasadda xageeda iyo doorashada markii loo jeestay ayaguna waa naga soo daba jeesteen cadowga dalka waxaad moodaa inay shaqdooda kordhiyeen,” ayuu yiri taliyaha Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Hadda ninkii kusoo aado oo gurigaaga kugu yimaado inaan la wareysato ayuu kaa rabaa. La wareysigaas aan u diyaar garowno,”.
Dhanka kale taliyaha ayaa faray ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo inay u diyaar garoobaan ka hortegga weerarada Al-Shabaab iyo sugida amniga guud ee dalka.
“Annagana waxaa nalooga baahan yahay inaan difaacyada kordhino, raadinta cadowga xogtiisa inaan kordhino,” ayuu sii raaciyey taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay kordheen falalka liddiga ku ah amniga, sida weerarada iyo qaraxyada ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey weerarkii xooganaa ee lagu qaaday saldhigga degmada Kaxda.