Muxuu Xasan Sheekh ka yiri arrintii ay sameeyeen ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud weli ku sugan magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa ka hadlay arrin ay shalay oo Jimco ah sameeyeen ciidamada Xoogga iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan halkaasi, kadib markii ay qaadeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa marka hore boggaadiyay guusha ay ciidamada huwanta kasoo hoyeen howlgalkaasi oo ay kula wareegeen deegaano horleh.

“Waan boggaadinayaa Ayada oo Jimco tahay howlgalladii ay galeen iyo guulihii ay kasoo gaareen iyo dhulkii ay shalay tageen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu ku amaanay dadka deegaanka sida ay ugu diyaar garoobeen howlgallada Al-Shabaab looga saaro deegaanadaas, isaga oo ugu hambalyeeyay,.

“Deegaankan dib u xoreynta si fiican ayey uga socotaa runtii waa deegaan ay dadkiisa isugu tashadeen inay horay u socdaan waan bogaadinayaa, waana hambalyeynayaa” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay kordhineyso dadaalkeeda ku aadan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka socda Jubbaland.

“Dowlada federaalka Soomaaliya dadaalka ka socda deegaankan way sii xoojineysaa wayna sii kordhineysaa, haddii uu Alle yiraahdom” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay howlgal ay ku beesadeen Al-Shabaab ka sameeyeen  ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, kaas oo lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana uu ku jiray sarkaal sare.

Si kastana, Jubbaland la qorsheynayo in dhowaan uu ka bullowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si Al-Shabaab looga saaro gobollada Jubbooyinka.