Muxuu Xasan Sheikh ka yiri doorka haweenka ee baarlamanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheikh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorka haweenka Soomaaliyeed ay sanadkaan ku yeelanayaan baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed doorweyn ay ku yeelan doonaan baarlamaanka sanadkaan imaanaya.

Madaxweynaha oo haween badan kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed muddo badan ay dhibaato ku jireen iminkana ay kasoo muuqan doonaan baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in haweenka Soomaaliyeed loo baahan yahay iney dhankooda is taageeraan si ay kaga mid noqdaan baarlamaanka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu ka dhawaajiyay in aanu jirin sharci ama qaynuun dumarka ka horjoogsanaya siyaasadda, sidaasi daraadeedna uu ku boorinayo ka qayb qaadashada siyaasadda dalka.

Haweenka u codeyn doona xildhibaanada baarlamaanka ayuu sheegay in looga baahan yahay iney codkooda siiyaan haweenka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com