Muxuu yahay bayaanka Al-Shabaab ka fashilmay kadib duulaankii Itoobiya? – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dagaal-yahanada Al-Shabaab u tallaabeen bariga dalka Itoobiya ayaa waxaa isa-soo tarayay xogaha dagaalkaas iyo ujeedka ka dambeeya in xiligaan Al-Shabaab weerar ku qaado ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa qorshaheedu ahaa in calankooda madow ay ka taagaan gudaha Itoobiya, kadibna ay sii daayaan bayaan la diyaariyay oo ay ku cadeynayaan in Jihaadka uu ku fiday weji cusub, sida uu sheegay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo magaciisa ka gaabsaday sababo amni darteed.

Dhinaca kale, Fallan-qeeyaha Geeska Afrika, Matt Bryden ayaa weerarka ku tilmaamay mid u muuqda bilowga qorshe weyn oo istaraatiiji ah oo lagu dhisayo joogitaanka dagaal-yahano firfircoon oo Itoobiya ah, suurta-galna ay tahay inay ku sugan yihiin Koonfurta Bari ee buuraha Bale.

“Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in qaar kamid ah cutubyada Al-Shabaab ay gudaha u galeen illaa 100KM gudaha Itoobiya, lagana yaabo inay weli firfircoon yihiin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in kooxda Al-Shabaab ay la kulmeen xoogaa guuldarro ah oo dhanka xeelada ah, hase yeeshe ay gaareen ujeedooyin muhiim ah, oo ay ugu weyn tahay in ay markii ugu horeysay soo bandhigaan in kooxda awood u leedahay inay howl-galo millateri ka sameeyaan gudaha Itoobiya.

“Rabshadaha gudaha Itoobiya iyo isku-dhafka ciidamada waqooyiga ee dagaalka Tigray ayaa arrintaan ka dhigaya in Al-Shabaab waqti ku haboon weeraraan.”

Si kastaba, Xiisadaha colaadeed ee ka taagan gudaha Itoobiya, gaar ahaan u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka iyo fallaagada Tigray ayaa si weyn u wiiqday awoodii federaalka, taasi oo gacan ka geysatay xasilooni darada ka socota dalkaas.