Magacaabista Xukuumadda: Laba arrin oo waqtiga ku dheereeyey R/W XAMZA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan dalbaday 10 maalmood oo dheeri ah si uu usoo dhiso xukuumadiisa cusub, kadib markii ay xildhibanada golaha shacabka aqbaleen codsiga waqti kordhinta.

Xamza oo heystay muddo hal bil ah oo uu xukuumad ku keeno ayaa la sheegay inuu u baahday la-tashiyo dheeri ah taasoo keentay inuu waqtiga ku filnaan waayo.

Haddaba maxaa keenay dib u dhaca?

Laba qodob ayaa lagu fasiray dib u dhaca dhismaha xukuumadda iyo dalbashada maalmo dheeri ah.

  1. Safarada madaxweynaha

Maadaama sida la sheegay labada mas’uul rabaan inay ku howlgalaan koox ay isla jaan qaadi karta, madaxweynuhuna rabo in la dhiso xukuumad ajandihiisa iibin karta, waxaa jira warar sheegaya in labada hoggaamiye ee Xamza iyo Xasan inaysan helin waqti ku filan oo ay u gorfeeyaan nooca xukuumadda ay rabaan maadaama uu madaxweynaha galay safaro farabadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday toddoba dal tan iyo markii xilka uu qabtay 15-kii May, ayada oo safarrada badankood ay dhaceen kadib ansixintii ra’iisul wasaaraha, taasi oo yareysay fursdaaha ay isku heli karaan labada hoggaamiye.

  1. Raadinta qanaacada siyaasiyiinta

Xukuumadda cusub waxay kusoo aadeysaa iyadoo uu dalku kasoo baxay xilli siyaasadeed adag oo aad loo kala fogaaday.  In la dhiso xukuumad aan dhinacyada siyaasadda wada hanan karina waxay culeyskii kusii heyn kartaa halkiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamza waxaa la sheegay inuu rabo dhameystirka wada-tashiyada dhinacyada siyaasadda iyo dhismaha xukuumad loo dhan yahay, waxayna illo wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha sheegeen in maalmaha dheeriga ah lagu soo afjari doono wada-tashiyada dhinacyada siyaasadda iyo ku dhawaaqista xukuumadda.

Xukuumadihii hore ee dalka lagama fakari jirin dhismaha xukuumad isku hayn karta mucaaradka iyo muxaafadka, waxaana nooca uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabo xukuumadiisa laga eegayaa dhanka midnimada siyaasadda.