Muxuu yahay heshiiska is-afgarad ee Soomaaliya ay maanta la saxiixatay dalka…?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Cumaan ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad cusub, kaasi oo salka ku haya ballaarinta iskaashiga labada dal.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa is-afgaradkan (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Is afgaradkaan ayaa hoga tusaaleynaya kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah.

Is-afgaradkaan ayaa shaqeynaya muddo sannad ah waxaana la cusbooneysiin doonaa sannad walba, si loo hubiyo loona xoojiyo iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee labada dal.

Heshiiskan is-afgaradka ayaa sidoo kale xoojinaya sii amba qaadidda dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo hannaanka iskaashiga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Saldanada Cumaan.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee dowladaha daneeya Soomaaliya.

Middaan ayaa qeyb ka ah qoraheyaasha horu-tabinta u leh horumarinta Kalluumeysiga gudaha, abuurista furado maalgashi oo caalami ah iyo dhisidda horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Kalluumeysiga taas oo horseedi doonta in dalkeeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.