Xogta kulan dhex maray MUUSE BIIXI iyo wafdi culus oo ka socday QM + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha gargaarka bini’aadantinimada Mr. George Conway.

Masuuliyiintan ka socotay QM ayaa sidoo kale waxaa wehlinaya madaxda ugu sareeya toban hay’addood oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Kulankan oo lagaga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaalmada ay hay’adaha QM ka taageeraan Somaliland iyo dardar-gelinta iskaashiga wada shaqayneed, gaar ahaan dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee sannadkan qorshaysan, si waafaqsan shuruucda dalka Somaliland iyo ta caalamiga ahba.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxu ku booriyey madaxda wasaaradaha kala duwan ee dalka iyo hay’adaha Qaramada mMidoobay inay kuwada shaqeeyaan isfahan iyo shuruucda dalka u dejisan.

Kulankan ayaa waxa uu qeyb ka yahay la-macaamilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay la leedahay Somaliland iyo hay’addaheeda kala duwan. Waxa uuna kusoo aadayaa xilli laga deyrinayo xaaladda nololeed ee deegaanada qaar.

Kulankaan ayaa waxaa Muuse Biixi ku wehlinayay wasiirrada wasaaraddaha shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, qorshaynta iyo horumarinta, gudoomiyaha hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha, gudoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca wafdigana waxa ku wehlinayey ku-xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay, Mr. Crispen Rukasha Wakiilka OCHA, Mr.Ruger Kahwa, Madaxa Xafiiska OCHA, Mr. Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF, Mr. El-Khidir Daloum Mahmoud, Wakiilka WFP, Mr. Frantz Celestin, Madaxa IOM, Mr. Charles Mballa, Wakiilka UNHCR, Mr. Abdoul Karim Bah, Madaxa Xafiiska FAO, Ms. Anna Maria Adhikari, Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG/RC/HC, Mr. Nikolai Rogosaroff madaxa UNSOM iyo Abdi Askar oo ka socda Xafiiska Hargeysa.