Mareykanka iyo Kenya oo Washington ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah + Sawirro

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka iyo Kenya ayaa qalinka ku duugay heshiis milateri, xilli uu dalkaasi booqasho rasmi ah ku tegay madaxweyne William Ruto.

Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday saxiixa heshiikan, oo ah mid is-afgarad oo difaac ah, kaas oo uu la saxeexday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Afrika Molly Fee.

Heshiiskan ayaa waxa uu wasiirka sheegay in ‘kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo hawlgallada milatari ee wadajirka ah.’

“Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasi oo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook.

Waxa uu Aadan Ducaale sheegay in heshiiskan uu “daba socday codsigii Kenya iyo ballan-qaadkii dowladda Mareykanka ee ahaa in ay maal-gelinayaan dhismaha, taasoo muujineysa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.”

Mareykanka ayaa kor u qaadayo heerka iskaashiga ee Mareykanka iyo Kenya ee arrimaha gobolka iyo caalamkaba, kadib markii Madaxweyne Biden uu dhiggiisa Kenya William Ruto uu Khamiistii kusoo dhaweeyay Aqalka Cad.

Heshiiskan ayaa door muuqda ka qaadan doono dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo si weyn uu u saameyn doono kooxda, oo hadda uu guluf dagaal uga socdo gudaha Soomaaliya.