Muxuu yahay heshiiska uu Cumar Filish kusoo saxiixay dalka Turkiga? (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa faah faahin ka bixiyey safarkii uu ku aaday Turkiga, kadib markii lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cumar Filish ayaa sheegay inuu heshiis ku aadan mataaneynta magaalooyinka Konyo iyo Muqdisho uu kusoo saxiixay Turkiga, kaas oo uu tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah.

“Waxaan aaday Turkiga waxaan heshiis lasoo saxiixanay maayarka magaalada Konya waa magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga. Heshiiskaas waxa uu ku saabsanaa heshiis mataaneyn ah oo la mataaneynayo Konyo iyo Muqdisho,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey muhiimadda uu heshiiskan u leeyah caasimada Muqdisho iyo dadkeena, isaga oo hoosta ka xariiqay arrimaha gaarka ah ay yihiin maareynta qashinka, gaadiidka dadweynaha iyo diiwaan-gelinta bulshada.

‘Arrimahaas mataaneynta ah ayaa ugu muhiimsanaa waxyaabaha aan rabnay inaan iska kaashano way fara badan yihiin, balse waxaa annaga muhiimad gaar ah innoo leh inay gacan naga siiyaan maareynta qashinka, gaadiidka dadweynaha iyo diiwaan-gelinta bulshada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa xusay inuu socdaal kusoo maray magaalada Stanbul, isla-markaana uu soo joogay muddo saddex cisho ah, isaga oo la kumlay bulshada Soomaalida.

Arrimaha kale oo uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah ammaanka caasimada, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in la’iska kaashado, si looga gudbo xaaladaha taagan.

Si kastaba, Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah, wuxuuna mashaariic kala duwan ka fuliyaa gudaha Soomaaliya.