Muxuu yahay mashruuca ay DF ku saxiixday Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku saxiixay mashruuc cusub oo ku saabsan adeega la-talinta farsamada iyo abuuridda khariidadda muuqaalka digital-ka ah ee caasimadda.

Gudoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhanka howlaha guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa maanta magaalada Nairobi kusoo xiray kulan socday muddo afar cisho ah oo looga hadlayay mashruucan, oo ka kooban shan qoddob oo kala ah;

  1. Sawirida magaalada dhanka Satellite-ka
  2. Aasaaska barta xakamaynta dhulka (GCP)
  3. Soo saarka khariidadda magaalada Muqdisho (Topographic Mapping)
  4. Horumarinta nidaamka (GIS Web)
  5. Tababarka shaqaalaha dowlada hoose

Kulankaan kadib ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo howl-wadeenada mashruucan fulinaya kala saxiixdeen howlaha shaqo oo ay ka qabanayaan magaalada Muqdisho.

Saxiixa heshiiska lagu fulinayo mashruucan cusub ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa aggaasimayaal ka tirsan dowladda hoose ee Xamar iyo wakiilo ka socday dowladda Japan.

Maamulka gobolka ayaa muddooyinkii dambe dardar-gelinayay shaqada ay u igman yihiin, gaar ahaan horumarinta bilicda gobolka Banaadir, dib udhiska waddooyinka iyo hoos u daadajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Sidoo kale waxa toddoba sano kadib magaalada Muqdisho si rasmi ah looga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”, kaasi oo afartii bishaan uu markale ku dhawaaqay guddoomiye Madaale.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa hadda ka socda naleynta caasimadda, oo lagu bilaabay wadada dheer ee Makka Al-Mukaramma, iyada oo maamulka gobolku u qorsheeyay barnaamijkan lacag dhan $2,500,000.