Sawirro: Wafdi heer federaal ah oo gaaray Beledweyne iyo ‘waxa ay kusoo arkeen’

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi uu hugaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macalim ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay wafdigaan heer federaal garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan ayaa waxay kulan la qaateen madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo halkaasi maalmo kahor u tegay xaaladda bini’aadanimo ee kasoo cusboonaatay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha iyo wafdigaan ay waxay ka wada-hadleen xaalada cakiran ee ka jirta magaalada Beledweyne iyo sidii ay dowladda gargaar deg deg ah u gaarsiin laheyd kumanaanka ka barakacay guryahoodii.

Guddoomiye Maxamuud Macalim iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intaas ksdib u kuur-galay xaaladda qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Maamulka Degmada Baladweyne Saraakil ciidan ayaa sidoo kale waxay socod ku mareen buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen.

Socdaalka wafdigaan heer federaal ee Beledweyne ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne.

Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.