Xasan oo sharaxaad ka bixiyay tallaabo ay qaaday DF oo buuq dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay canshuur kordhinta ay dhawaan sameysay dowladda federaalka, taasi oo uu ka dhashay buuq badan.

Madaxweynaha oo Jimcihii khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa sharaxaad ka bixiyay canshuurta ay dowladda ku kordhisay qaar ka mid ah badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo ee laga soo dajiyo Dekadda magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inay suurta-gal aheyn inay isku canshuur noqdaan badeecadaha loo soo dhoofiyo dalka, sidaas darteedna ay dowladda qaaday tallaabada canshuur kordhinta ah ee ganacsatada qaar ay cabasho ka muujiyeen.

“Telefoon iPhone ah oo kun iyo jajaba dollar jooga iyo Niiclaha inay isku mid noqdaan sax ma tahay? maanta waaye waxa aan ka hadlayno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo sharaxaad ka bixinaya sababta keentay tallaabada dowladda ay qaaday.

“Qof in uu ka gil-gishto shilin saa’id ah bixi, Ninna uu naftiisa keeno oo yiraahdo waa kanaa waa dhimanaa oo dhinto, dhaawacma, cuuryaama, agoon ka tago, Hooyo gablantay ka tago, macquul ma’ahan, waxyaabaha uu caqliga diidayo ayey ka mid tahay laakiin la’iskama yeelayo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in lacagta laga qaado ganacsatada ay waajib ku tahay, halka ay dowladda tahay inay ilaaliso amaanadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkaan ugu yaraan dowladdaan waa in ay la baxdaa qarashaadkeeda, hormarin ayaan u baahanahay ee hanala kaalmeeyo waa wax la dhageysan karo, laakiin hanala biilo wax la dhageysan karo maahan.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maanta xoolaheena iyo xooggeena dowladnimo nooga horeyso, dowladda dhaqaale la’aan ma shaqeyn karto, Soomaaliyoow dadnimadaada iyo damiirkaaga ku laabo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsatadu qeybta ka yihiin inay bixiyaan canshuurta dowladda, isaga oo ballan-qaaday in dowladduna ay sida u haboon u maamuli doonto dhaqaalahaas.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay dhawaan dowladda ay kordhisay canshuurta badeecadaha qaarkood ee laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho, islamarkaana ay cabasho xooggan ka muujiyeen qaar kamid ganacantsada, taasi oo markii dambe keentay in wasaaradda maaliyadda ay dib u eegis ku sameyso cashuurtaas.