Xogta mashruuc weyn oo markii u horeysay laga hirgelinayo dalka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc weyn oo ka kooban Sima 5-Star Hotel oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkeennu yeesho.

Mashruucan maanta la dhagax dhigay ayaa qeyb ka ah suuq (Mall) weyn oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyada suuq casri ah looga baahan yahay.

Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadan doonaa horumarka dalka, si gaar ah caasimadda, isagoo abuuri doona fursado shaqo oo tiro badan, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe laga hirgelinaya mashaariic muhiim ah oo qeyb ka ah dib u dhiska iyo horumarka dalka, taas oo caalamka tusaysa wejiga Soomaaliyada cusub.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Falastiin Rowaid Adil Mohamed , oo dhawaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taaggan tahay shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka falastiin.

Safiir Rowaid ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xustay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaaltinimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada bulsho.