Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa hirgelisay hannaan cusub oo loo yaqaan PISCES, kaas oo ah nidaam casri ah oo ay masuuliyiinta hay’addu ku sheegeen inuu wax weyn ku soo kordhinayo horumarka socdaalka dalka.
Sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, nidaamkan PISCES, oo ay adeegsadaan in ka badan labaatan dal, ayaa Soomaaliya u sahlaya inay la jaanqaaddo nidaamyada caalamiga ah ee socdaalka.
“Barnaamijkan wuxuu ka mid yahay dadaallada aan ka wadno hay’adda, waxaana ugu talo-galnay inaan dadka siino adeeg hufan oo hay’addu la jaanqaaddo nidaamka caalamiga ah,” ayuu yiri Dhuxulow.
Hannaankan PISCES ayaa beddelaya barnaamijkii hore ee ay hay’addu isticmaali jirtay.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ka qayb galay kulanka lagu daah-furayey nidaamka PISCES, ayaa xusay in hannaankan uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin weyn ka qaadan doono sugidda amniga qaranka.
Yaa ka caawiyey nidaamka PISCES ee Soomaaliya?
Dowladda Mareykanka ayaa ka gacan siisay Soomaaliya hirgelinta nidaamkan cusub ee PISCES, iyadoo tababarayaal ka socda Mareykanka ay Muqdisho ku tababareen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo hadda ku shaqeynaya hannaankan cusub, sida uu BBC-da u sheegay Agaasime Dhuxulow.
Qalabka nidaamkan PISCES ayaa lagu rakibay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo shaqadiisu si rasmi ah uga bilowday.
“Barnaamijku waa la rakibay, waa la tijaabiyey, waana lagu guuleystay. Wuxuu Soomaaliya u saamaxayaa inay qayb ka noqoto nidaamka socdaalka caalamiga ah. Dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya dalka xogtooda waan heli karnaa, waxaana la aamini karaa hay’addeena socdaalka, si aan ula jaanqaadno hay’adaha kale ee adduunka,” ayuu yiri Mustafe Dhuxulow.
Agaasime Mustafe Dhuxulow wuxuu sheegay in Soomaaliya ay yeelan doonto wadashaqeyn ay la gasho dalalka kale ee isticmaala nidaamka PISCES, iyo booliska caalamiga ah ee Interpol, taas oo u oggolaanaysa in Soomaaliya aysan noqon meel loo dhuuntaa.
“Waxaan si horumarsan u ogaan karnaa cid kasta. Waxaa adkaan doonta in dalka Soomaaliya ay ku dhuumaaleystaan kooxaha sida Al-Qaacida, Al-Shabaab, xagjiriinta ama dadka dambiyada ka galay dunida. Adduunyadana waan kaga kasban karnaa kalsooni. Garoomada Soomaaliya, gaar ahaan kan Muqdisho, qofka ka dhoofaya waxaa si cad loo ogaan doonaa. Qalabyo badan oo cusub ayaana lagu soo kordhiyey nidaamka oo lagu ogaan karo xogta dadka — dad Soomaali ah oo kaliya ma aha, ee xitaa kuwa dambiyada caalamiga ah ku lug leh waa la raadin karaa,” ayuu BBC-da u sheegay Agaasime Mustafe Dhuxulow.
Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’adda lagu eedeeyey dhowaan habka ay u bixiso baasaboorrada, balse hadda ay bilaabeen wadashaqeyn rasmi ah oo ay la leeyihiin hay’adda NIRA iyo CID-da.
Isagoo ka hadlayey isbeddel lagu sameeyey habkii hore ee lagu bixin jiray baasaboorka ayuu xusay in hadda la joojiyey wax-ka-beddelka da’da ama magaca qofka.
“Qofku wuxuu noqon karaa dambiile, qof deyn badan ka qaatay bangiyo, ama mid doonaya inuu dalka beddelo. Ma rabno in hay’adaha socdaalka adduunku maalin walba su’aal ka keenaan dadka ka imanaya Soomaaliya. Waxaan dooneynaa in xogta aan bixinno ay noqoto mid la isku halleyn karo oo sharci ah. Taas ayaa baasaboorkeenna lagu aamini karaa,” ayuu yiri Mustafe.
Maxay tahay PISCES?
Nidaamka PISCES waxaa bilaabay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan waaxdeeda Ka Hortagga Argagixisada sanadkii 1997. Ujeeddada mashruucan ayaa ahayd in dalalka loo fidiyo nidaam kombiyuutar casri ah oo lagu horumariyo awooddooda la socodka dadka laga shakiyo — gaar ahaan kuwa lala xiriiriyo argagixisada — iyo fududeynta socdaalka.
Dowladaha shisheeye ayaa loo xilsaaray inay adeegsadaan nidaamkan si ay u diyaariyaan liisaska dadka laga shakiyo, una gudbiyaan xogtaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Xogta lagu kaydiyo nidaamkan waxaa ka mid ah sawirrada wejiga, faraha iyo macluumaadka shaqsiga ah ee dadka u socdaalaya Mareykanka ama ka imanaya dalalka loo arko “khatar sare.”
PISCES wuxuu ka kooban yahay qalabyo ay ka mid yihiin kamarado, baarayaal baasaboorrada aqoonsada, tababbarayaal, qalabka rakibka iyo taageero farsamo oo dhameystiran.
Xarumaha socdaalka, booliska iyo hay’adaha sirdoonka ee dalalka isticmaala nidaamkan ayaa si toos ah xogta uga heli kara xarumaha kale iyagoo adeegsanaya Wide Area Network (WAN).
Sanadkii 2007, nidaamka waxaa lagu kordhiyey awoodda lagu ogaado dukumentiyada been abuurka ah, baaritaanka biometriga (sida faraha), iyo hagaajinta raadinta magacyada.
Sidoo kale, intii u dhaxeysay 2010–2011, nidaamkan waxaa loo fidiyey dalal uu Mareykanku u arko kuwa khatar sare leh oo amni ahaan muhiim u ah, sida Ciraaq, Afghanistan, iyo Pakistan.
Isha: BBC