Muxuu yahay ‘ujeedka ay’ musharaxiinta ka leeyihiin banaan-baxa Jimcaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka ayaa dhawaan ku dhawaaqay banaanbax weyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayada oo dadweynaha ay iskugu imaanayaan Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.

Banaanbaxa Mucaaradka ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay dalka, waxaana laga cabsi qabaa inuu horseed u noqdo amaan darro ka dhacda Caasimada, maadama ay dowladda wado qorshe la sheegay inay ku bur-burineyso banaanbaxaas.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in banaanbaxaas uu yahay mid nabdoon, islamarkaan ujeedka ay ka leeyihiin uu yahay inay bulshado ku cabiraan ra’yigooda, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxda dalka ee waqtigoodu uu dhamaaday.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir waxaan ugu baaqeyna inay kasoo qeyb-galaan mudaharaadka ay hogaaminayaan Midowga musharaxiinta oo lagu doonayo xuquuqdooda, oo lagu doonayo in nidaam loogu taliyo dalka oo keli-telis uusan ka dhicin, sidii hadda ka hor taariikhda madow ee dalkeena ku dhacday,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga ayaa waxa uu ka digay in dowladda federaalka ay is-hortaag ku sameyso banaanbaxaas, isagoona Shacabka Muqdisho ka dalbaday inay kasoo qeyb-galaan banaanbaxaas oo uu sheegay inuu yahay mid nabadeed.

Waxa uu intaas kusii daray “Mudahaaradku waa xaq dastuuri ah, si nabad ah in loo baxo oo ra’yigana loo cabiro, markaas waxaan rajeynaynaa in dadku sidaas u fahmaan, diyaarna waxa u ah Midowga Musharaxiinta inay idin hor kacaan oo ay dadka Soomaaliyeed tusaan wadada nabada ah iyo wadada dimuquraadiga ah inay ku raadsadaan xaqooda siyaasadeed iyo mid kaleba”.

Hadalkan ayaa imanaya xili Musharaxiinta mucaaradka ay Axadii ku dhawaaqay banaanbaxaas oo dhacay dhamaadka toddobaadka, iyagoona sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.