Xog: Somaliland oo warqad xasaasi ah u dirtay QM

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii u horeysay la wadaagtay Qaramada Midoobay qoraal ay ku qoran yihiin “qaabka ay Somaliland rabto inay ula shaqeyso QM”, xili is-faham hordhac ah laga gaaray khilaafkii labada dhinac.

Somaliland ayaa horaanta sanadkii hore joojisay wada-shaqeyntii ay la laheyd Qaramada Midoobay, iyada oo deegaanadeeda ka mamnuucday dhamaan hay’addaha Qaramada Midoobay, oo iyagu ka fuliya gudaha Somaliland mashaariic horumarineed iyo mid bini-aadanimo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxay Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal ka koobna 7-bog, kaasi oo lagu sharraxay isla-markaana lagu faah-faahiyey Habka ama Baratakoolka Somaliland doonayso in Qaramada Midoobay ula shaqayso, iyadoo ixtiraamaysa Madax-bannaanida ay ku doodo.

“Jamhuuriyadda Somaliland waligeed kamay mid noqon nidaamka federaalka, xiriir rasmi ahna lama yeelan muddo soddon sano ah Soomaaliya, markaa waxa Qaramada Midoobay laga sugayaa inay Dawladda Somaliland ula macaamisho maamul gooni ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-banaanideeda dhuleed iyo xaqa aayo ka tashigeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaas oo si gaar ah ugu dirtay mas’uuliyiinta QM.

Qoraalka ayaa waxa aad loogu dheeraaday in Qaramada Midoobay ay ixtiraamto madax-banaanida Somaliland, islamarkaana ay ula dhaqanto sidii dal ka go’ay Soomaaliya, waxaana soo diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumadda.

Khilaafka Somaliland iyo Qaramada ayaa dhawaan waxa laga gaaray is-faham hordhac ah, midaasi oo keentay in xukuumadda Biixi u dirto qoraal dheer oo ku aadan qaabka ay ula tacaamuleyso Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, hase yeeshe uusan weli caalamka u aqoonsan.

Arrintan ayaa haddey dhaqan-geliso Qaramada Midoobay noqon doonta mid meel ka dhac ku noqota Qaranimada, waxayna ka hor imaneysa qorshaha 4-ta sanadood ee soo socota ee Qaramada Midoobay ku hawl-galayso, kaasi oo ay hore u dejisay dowladda federaalka Soomaaliya.