Maxaa ka jira in 30 qof ay Isbitaalka MARTIINI ugu geeriyoodeen COVID-19?

Muqdish (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu faafay baraha bulshada inay korortay tirada dhimashada uu sababay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana ay xalay Isbitaalka Madiina Martiin ugu dhinteen 30 qof.

Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay xaqiiqo tahay in cudurka Coronavirus uu kusoo labo kacleeyay dalka, hase yeeshe waxay meesha ka saartay in tiro soddomeeyo ah ay xalay u geeriyoodeen.

Fowsiya ayaa sheegtay in Isbitaalka Martiini in la keenay dad badan oo uu soo ritay cudurkaas, ayada oo xustay in shalay ilaa maanta ay tageen 16 qof, mid kamid ahna la geeyay qeybta daryeelka deg-degga ah ee loo yaqaano ICU-da.

Sidoo kale waxay warbaahinta u sheegtay in 9 qof oo kale la jiifiyay Isbitaalka, halka lix qof ay dib ugu laabteen Guryahooda, kadib markii dhakhaatiirtu ay siiyeen talooyin caafimaad.

Tirada dadka cudurka Coronavirus u geeriyooday shalay ilaa maanta ayaa ahaa 5 qof ah oo keliya, sida ay sheegtay Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka oo bulshada ugu baaqday inaysan aaminin wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada.

Ugu dambeyntiina waxay sheegtay inay si maalinle ah usoo gudbin doonto wasaaraddu warbixinta cudurka Coronavirus, midaasi oo meesha ka baxday tan iyo markii uu cudurka hoos uga dhacay dalka.