Galka Baarista oo shaaciyey xogo xasaasi ah oo ku saabsan ciidamada ay DF gaysay Eritrea (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka ay tobabarka u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadkan diirada saaray ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka geysay Eritrea, wuxuuna daboolka ka qaaday in qorshaha looga dejiyay dalkaas uu soo bilowday horaantii 2019 oo laga joogo labo sano.

Qorshaha ciidamada lagu geeyay dalka Eritrea ayaa waxa markii u horeysay iska lahaa madaxweynaha xiligan waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhigiisa Eritrea ka dalbaday in ciidamo loogu qaado dalkiisa xili uu dhamaadka 2018-kii booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa waxa markii hore uu qorshuhu ahaa in lagu tobabaro gudaha magaalada Muqdisho, taasi oo keentay in wafdi heer sarre ah uu dalka yimaado bishii Maarso ee 2019-kii, kuwaasi oo markii dambe meesha ka saaray suurta-galnimada in ciidamo lagu tobabaro gudaha dalka.

Kadib markii uu shaqeyn waayey qorshihii ahaa in gudaha Muqdisho lagu tobabaro ciidamadaas ayaa loo qaaday dalka Eritrea bishii Ogoos ee 2019-kii, waxaana xiligaas soo aruuriyo oo soo qortay dhalinyarada dalkaas loo qaaday hay’adda NISA, sida ay sheegen saraakiil sar-sare oo la socday qorshahaan.

Ciidamada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea oo difcado kala duwanaa ahaa ayaa waxa lasoo warinayaa inay tiradoodu u dhaxeyso 5-kun ilaa 7-kun oo dhalinyaro ah.

Galka Baarista oo la hadlay qaar kamid ah Waalidiinta dhalinyarada ku maqan Eritrea ayaa sheegay in markii hore wiilashooda loo sheegay inay tagayaan Qatar, kadibna loo leexiyay dalka Eritrea oo lagu xareeyay xeryo ciidan oo lagu tobabaro.

Waalidiintaan ayaa sheegay in wiilashooda oo kamid ah ciidamada ay dowladda ka dejisay Eritrea ay wada-hadleen bartankii 2019-kii, intaas wixii ka dambeeyayna aysan jirin wax xiriir ah oo dhex-maray, midaasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen.

Sidoo kale waxa Barnaamijka Galka Baarista lagu wareystay Aabe looga yeeray xarunta NISA bishii 5-aad ee sanadkii 2020-ka, kaasi oo Saraakiisha Nabad-Sugida ay ku wargeliyeen in wiilkiisa uu dhintay, xili uu ku gudo jiray tobabarka loo geeyay Eritrea.

Dowladda Qatar ayaa dhawaan war-saxaafadeed ay soo saartay waxay si adag uga hadashay arrinta ku aadan dhalinyaradan Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo Qatar.

“Waan cambaareyneynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar, si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah,” ayaa xiligaas lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Waxa kale oo lagu yiri “Nasiib darro kooxaha nugul ayaa inta badan ku dhaca dalabyo been abuur ah iyo ballamo been abuur ah oo deganaansho ah. Si looga hortago arrintan Qatar waxay ka hirgelisay dalal badan oo ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah xarumo lagu biyo dal ku galka, waana tallaabo looga gaashaamanayo  in ay aqbalaan dalabyada been abuurka ah”.

Xogta uu soo bandhigay Galka Baarista ayaa sii xoojinaysa walaaca iyo tuhunka laga qabo in dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb-qaateen howl-galkii dagaal ee gobolka Tigray, ee uu Abiy Axmed ku qaaday maamulkii TPLF, waxaana mad-madow badan ku gadaaman yahay hanaankii loo qaaday ciidamadaas.

Hoos ka dhageyso barnaamijka