Jeneraal Xuud oo 48 saac u qabtay mas’uuliyiinta maamulka HirShabeelle

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo ah hogaamiyaha gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa digniin culus soo saaray, wuxuuna  muddo ku siman 48 saacadood gudahood u qabtay inay magaalada Beledweyne iskaga baxaan mas’uuliyiinta maamulkaas.

Jeneraal Xuud, ayaa hanjabaadiisan culus, oo uu soo saaray shalay, ku saleeyay inay uga dan leeyihiin inay bulshada Beledweyne uga kor qaadan dhibaatooyinka ay maamulka HirShabelle ka geysaneyso magaaladaas. Waxaa hadda mudadaas ka hartay 24 saac. 

Waxa uu sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin in maamulka HirShabelle uu xad-gudubyo iyo tacadiyo kula kaco dadka shacabka ah, isagoona ku eedeyay mas’uuliyiinta maamulka ee ku sugan Beledweyne inay kaalin weyn ka qaateen amaan darrada taagan.

Sidoo kale waxa uu fariin kulul u diray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay si gaar ah ‘beegsi haybeysan’ ugu hayso saraakiisha xooga dalka ee u kasoo jeeda gobolkaas, kuwaasi oo qaarkood bedel lagu sameeyay, sida uu sheegay.

Hanjabaada Xuud ayaa imaneysa xili ay jabhadiisa taageero u muujiyeen boqolaal dadweyne ah, oo shalay tagay fariisinka Golahaas, oo si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee loo dhisay HirShabelle.

Horraantii bishan unbey aheyd markii ay magaalada Beledweyne weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata Jeneraal Xuud, kuwaasi oo dagaal saacado qaatay uu gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamada HirShabelle.