Muxuu wasiir FIQI ka yiri dibad-baxa ay mucaaradka ka qorsheeyeen Muqdisho?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan in la qabto banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiinta mucaaradka ah, kaas oo madaxda dowladda federaalku aysan raali ka aheyn.

Fiqi ayaa sheegay in aysan waxba ku jabneyn in taageerayaasha musharaxiintu ay afkaartooda u soo bandhigaan si nabad ah.

“Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?” ayuu Axmed Macalin Fiqi ku yiri.

Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku daray, “Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?”

Waxa uu sheegay in dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabad-gelyo ay muwaadiniintu ay qabsan karaan.

“Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan,” ayuu yiri Fiqi.

Banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa hadal heyn badan ka abuuray magaalada Muqdisho, waxaana su’aalo badan la gelinyaa habka ay u suurta geleyso in la qabto iyo waxa ka dhalan kara.

Dad badan ayaa qaba in la dhigo banaanbaxa, halka dadka qaarna ay ka soo hor jeedaan, iyagoo ku doodaya in caqabad loo banaanbaxo aysan jirin, oo dowladdu aysan diidaneyn in la aado doorasho.