Daawo: Rooble oo digniin u diray shacabka xilli dibad-bax weyn la qorsheynayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo musharaxiinta mucaaradka ay dibad-bax ballaaran ka qorsheeyeen magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha, ayaa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya waxa uu shacabka u diray digniin xooggan oo ku aadan kulamada waa weyn.

Rooble oo qoraal soo saaray caawa ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka Coronavirus oo ku soo laba kacleeyay dalka, sida uu sheegay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa aad uga digay in dadka Soomaaliyeed sameeyaan isku soo baxyo, xilli Jimcaha soo socda loo balansan yahay banaanbax ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya.

“Farriinteydu waxa ay ku socotaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan idinka codsanayaa in aad taxaddar muujisaan oo ka qeyb qaadataan xakameynta iyo ka hortagga cudurkan halista ah,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu kula dardaarmay shacabku inay raacaan talooyinka hay’adaha caafimaadka.

“Si aan nafteenna, qoysaskeenna iyo guud ahaan dadkeenna uga badbaadinno xanuunkan, fadlan aan raacno tilmaamaha wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada caafimaadku bixinayaan sida: Fara dhaqashada, Kala fogaanshaha, Xirashaa Mask-ga ama Af-xirka, In qofka isbaaro,haddii uu isku arko astaamaha xanuunka, Joojinta isu imaatinnada iyo kulammada waaweyn iwm”ayuu yiri.

Ugu dambeyntii “Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshadu in ay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan Covid-19, waxa uuna caddeeyay in dowladdu qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo xanuunkan halista ah.”

Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa la aaminsan yahay inay sameyn doonaan qorshe kasta oo ay uga hor tegi karaan banaanbaxa ay musharaxiinta mucaaradka ah iclaamiyeen in la dhigo Jimcaha soo socda.

Hoos ka Daawo fariinta Rooble