Muxuu Yusuf Garad ka yiri qunsuliyadaha dalka Kenya ee Kismaayo iyo Hargeysa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qunsuliyado ay dowladda Kenya qorsheyneyso inay ka furato ka furato magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa ee Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa sideeddii bishan shaacisay faahfaahin ku saabsan qorshaha Kenya ee qunsuliyadahan. Halka akhri warbixintaas.

Qoraal uu facebook soo dhigay ayuu Yuusuf Garaad ku yiri:-

“Kenya waxay Afrika iyo Asia ka fureysaa 16 Xafiis Ergo-Diblomaasiyadeed oo hor leh. Waxay isugu jiraan Safaarado midkood laga furayo caasimadda Djibouti, Qunsuliyado iyo laba xafiis oo ay ka fureyso Hargeysa iyo Kismaayo.

Diblomaasiyiin culus oo lix ka mid ah ay hore u ahaan jireen Wasiirro ayaa qaban doona xilalkaas, sida ay ay qorayaan Wargeysyadu.

Dhankeenna Soomaaliya dhowr iyo tobanka Safaaradood ee Danjire laawayaasha ah waxaan rajeynayaa in iyagana dhowaan la buuxin doono oo labada mas’uul ee waaxda Fulinta ee dalka ugu sarreeyaa ay howlmaalmeedkooda mashquulka ah ay ku darsan doonaan magacaabidda Danjirayaal na matala.

Xiriirka laba waddan ka dhexeeya meesha ugu horreysa ee laga akhrisan karo waa wejiga uu leeyahay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Safaarad sannad ku-dhowaad amaba ka badan ahayd Danjire la’aan, iyo Safaarado ku yaal caasimado muhiim ah laakiin aan xataa hal diblomaasi joogin ma ahan sida ugu qurxoon ee lagu kobciyo xiriir wax wadaqabsi oo laba dal dhex mara.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com