Nabadoon Maxamed Nuur oo lagu dilay Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay barqanimadii maanta kooxo hubeysan ka geysteen gudaha Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rag ku hubeysnaa Bistoolado ay u geysteen Nabadoon lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Diiriye oo sidoo kalena ahaa ganacsade.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda toogashada fulisay ay goobta ka baxsatay, waxaana daqiiqado kadib meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey howlgallo baarinaano ah oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah.

Dhinaca kale xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dilka marxuumka, wuxuuna sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada Nabadoonka la dilay oo caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoysaska iyo qaraabada ree Diiriye Cali geerida ku timid walaalkeen nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo saakay gacan ka xaq darani ku dishay Xamar,” ayuu ku yiri war qoraal oo uu soo saaray C/raxmaan Odowaa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in marxuumka uu ahaa oday xilkas ah, isla-markaana Alla ka cabsi badan, wuxuuna ugu duceeyey inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

“Nabadoonka waxaan ku naqiinay odaynimo iyo xilkasnimo iyo alla ka cabsi. Waxaan ilaah uga baryaynaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, ahalkaba sabar iyo iimaan haka siiyo,”.

Dilkaan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaa dari ee ka dhaca caasimada, kuwaas oo ay ka mid yihiin weeraro qaraxyo ah oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday hoteelka Xayaat.