Dilal maanta ka kala dhacay Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo maanta siyaabo kala duwan uga kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo ay geysteen rag hubeysan.

Dilka koowaad oo ka dhacay xaafaddaa Seybiyaano ee degmada Hodan ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray, Cabdiweli Jeekey.

Marxuumka ayaa  dhowaan ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika, waxaan dilkiisa fuliyey rag hubeysan oo baxsaday, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo dilay.

Sidoo kale koox hubeysan ayaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dishay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray  Aadan Abshir Maadey.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumka, ayna isaga baxsadeen goobta, kadib falkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka saldhigga Booliska degmad Afgooye oo uu ag daganaa marxuumka, waxaana xilliga la dilayey uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ragga dilka fuliyey ay wateen mooto, kadibna ay rasaas ku fureen Nabadoonka oo isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna saameeyeen baaritaano kooban, balse ma jiro faahfaahin ay ka bixiyeen falkaas.

Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.