Nabadoon caan ah oo lagu dilay No.50

Afgooye (Caasimada Online) Sidda ay lee yihiin dadka deeganka, kooxo hubeysan ayaa xaley waxa ay ku dishay deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Abuukar Dirir,ayaa la sheegay in lagu dilay Beer uu ku lahaa deeganka Lambar 50 oo xilligaas uu ku sugnaa.

Kooxda dilka geestay ayaa horrey u sii qaatay qorri AK 47 o0 uu lahaa nabadoonka sidda ay lee yihiin maamulka Lambar 50.

Ma cadda ilaa hadda sababta loo dilay nabadoonkan caan ka ahaan Lambar 50, balse waxaa deegankaas ka dhacayay bilihii ugu dambeyay dagaallo u abaabulan qaab beeleed kuwaasoo ay ku lug lee yihiin ciidamada dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com