Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen oo lagu dilay Masjidkii horey loogu dilay aabihiis

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Waloore) oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug ayaa xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kooxo hubeysan ayaa nabadoonka ku dilay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo, xilli uu ka soo baxay Masaajidka Macmuur oo Salaaddii Cishaha uu ku soo tukaday. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxahaasi ay ka baxsadeen goobta, ka hor intii aanay gaarin ciidamada amniga.

Bishii August ee sanadkii 2011 waxaa isla Masaajidkan lagu dilay aabihii Nabadoon Xasan Xuseen Aw Maxamed (Waloore).

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Waloore) ayaa ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug ee dhexda u xirtay xasillinta iyo masaalixda Magaalada Gaalkacyo.

Laamaha amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa weli ka hadlin dilka Nabadoon Cabdiqani Walloore, oo imanaya xilli dilalka qorsheysan ay maalmihii tegay kusii kordhayeen magaalooyinka Puntland.  

Subaxnimadii Talaadada, waxaa la dilay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Cumar Hiiraad Kaatuun, ayada oo la sheegay inay dilka ka dambeeyeen koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka, Cabdi Saciid Cismaan

Faah faahin dheeraad ah ma bixin Cabdi Saciid, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.