Al-Shabaab oo laba weerar ku qaaday GALMUDUG iyo dagaal xooggan oo socda

Baxdo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar xooggan oo qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa deegaanka ah.

Wararka naga soo gaaray deegaanka ayaa sheegaya in hadda uu deegaanka ka socdo dagaalka culus oo u dhaxeeya ciidamada degaanka iyo kuwa xoogagga Ahlu-Sunna oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu ka socdo dhowr meelood oo ka tirsan deegaanka Baxdo, waxaana jira khasaare aad u badan oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah. 

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug oo gurmad ah ayaa ka baxay degaannada kale ee gobolka ee ku dhow Baxdo, si ay uga qeyb qaataan difaacidda deegaanka.

Al-Shabaab ayaa horey isugu dayday inay qabsato Baxdo, balse kuma guuleysan. 

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa saaka madaafiic xooggan ku garaacay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.

Madaafiicda oo gaaraya ku dhawaad 10 ayaa goobjoogayaal ay sheegeen inay ku dhaceen garoonka iyo agagaarkiisa, balse weli lama oga khasaaraha ka dhashay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan ciidamada Jabuuti ee katirsan holwgalka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen.

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda ah mid degan, waxaana Ciidamada Gorgor ay duleedka magaalada ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi hoobiyeyaasha ah.