Saddex sabab oo Xasan Sheekh looga fujin waayay magacaabista Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku dhawaaqay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib muddo bil ah, markii mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaiiya 16 May 2022.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay Xamza Cabdi Barre ayaa la hadal hayay toddobaadkii ugu danbeeyay ayaa la sheegay inuu ahaa dooqa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qofka kaliya ee uu ku qancay ilaa 20 musharax oo miiska u saarnaa.

Xasan Sheekh oo saddex ra’iisal wasaare magacaabay intii uu xilka madaxweynaha Soomaaliya hayey 2012 ilaa 2017, waxay laba ka mida ku kala tageen khilaaf mooshin ku dhammaaday iyo waqti badan oo ku lumay, taas sababta keentay inuu markan si weyn uga fiirsado qofka uu xilka wasiirka koowaad u dhiibayo.

Arrimaha keenay in Xasan Sheekh laga fujin waayo Xamza Cabdi oo dhammaan saaxiibadii iyo inta saameynta ku leh go’aankiisa u bedeli waayeen, waxaa ka mida:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku qancay inay wada shaqeyn karaan Xamza Cabdi Barre, isla markaana uu yahay nin aan ka hor imaaneynin oo fulinaya qorshaha uu doonayo 4-ta sano ee soo socota.

2- Inuu Xamza ka mid ahaa xisbigiisa UPD, muddo dheerna ay soo wada shaqeeyeen, taasoo aanay jirin Musharax uu uga kalsooni badnaa, dhammaan dadkii kale ee xilkaasi doonayey.

3- In hore beel aan ka mid ahayn beelaha waaweyn ee xilalka sare loo xiray loo magacaabay Ra’iisal wasaare sanadkii 2017, taasina ay fursad u noqotay Xasan Sheekh inuu Mudane Xamza Cabdi kasoo magacaabo Beel aan weli xilalka ugu sareeya dalka loo magacaabin.

Ra’iisal wasaaraha cusub inuu heysto kalsoonida madaxweynaha magacaabay iyo inuu yahay mas’uul ku shaqeeya qorshaha madaxweynuhu doonayo oo kaliya, waxaa sheegi doona waqtiga, laakiin waxay u muuqataa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu go’aankan ku saleeyay khibradii hore uga soo martay ra’iisal wasaareyaashii hore.

Xigasho: Goobjooge